Somali Lyrics
Chorus:
- Soomaaliyeey toosoo
- Toosoo isku tiirsada oo
- Hadba kiina taagdaran oo
- Taageera waligiinee
- Idinkaa isu tooqaayoo
- Idinkaa isu taamaayee
- Aadamuhu tacliin barayoo
- Waddankiisa taamyeeloo
- Sharcigaa isku kiin tolayoo
- Luuqadaa tuwaaxid ahoo
- Arligiina taaka ahoo
- Kuma kala tegeysaan oo
- Tiro ari ah oo dhaxalaa
- Sideed laydin soo tubayoo
- Ninba toban la meel marayoo
- Cadowgiin idiin talin oo
- Tuldo geel ah oo dhacan baad
- Toogasho u badheedhanee
- Ma dhulkaas dhanee tegeybaan
- Ninna dhagax u tuurayn
- Qaran aan hubkuu tumayo
- Tooreyda dhaafayn
- Oo aan taar samayn karin
- Uur kutaallo weynaa
- Hadba waxaan la taahaayoo
- Togagga uga qayshaa
- Nin dalkiisii cadow taaboo
- U tol waayey baan ahayee
- Marba waxaan laa ooyaayoo
- Oo ilmadu iiga qubataa
- Iqtiyaar nin loo diidoo
- La addoon sadaan ahayee
English translation
Chorus:
- Somalia wake up,
- wake up and lean on each other
- And whoever is most in need of support
- Support them forever.
-
-